Saddex
saddex lama heshiiso
- Nin qosol badan iyo qoonsimaad badan
- Nin quul jecel iyo nin aan u quudhin
- Nin qab wayn iyo nin aan u qabin
Saddex
buu raggu is dher yahay
- Garashada waxa soo socda
- Wax ka qabashada waxa jooga
- Ka samridda waxa tegay
.
Saddex baa la yidhi:
· Lixdan jir lexojeclo
ha la wadaagin;
· Afartan jir ha la
garramin;
· labaatan jirna ha la
legdemin.
.
Saddex baa rag u liita;
· Ma toshe,
· Ma tashade
· Ma tashiishe
.
Saddex Ilaah waa karaa, mase suurtowdo:
· Ilaahow guursan
maayee wiil i sii;
· Ilaahow shaqaysan
maayee xoolo i sii;
· Ilaahow ku caabudi
maayee jannada i gee.
.
Saddex lama arag:
· Marti nin ka yar,
· Muddo maalin ka yar,
· Salaad ragcad ka yar,
.
Saddex lama raaco:
· Ma horreeye,
· Ma hambeeye
· Ma haasawshe.
.
Saddex looma adkeysto:
· Gaajo guri og,
· Gardarro garab og,
.
Saddex markaan bartaan ka gaboobay:
· Dab ollolintiis,
· Carruur aamusinteed,
· Awr carraabintiis.
.
Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan:
- Faraska xun,
- naagta xun
- hoyga xun; haddana.
.
Saddex col baa jira,
· Col cad ,
[colka
cad waa biyaha]
· Col cas,
[colka
casna waa dabka]
· Col madaw, ,
[colka
madawna waa dadka]
Saddex
saddex loogama tago
- Waad dad yar tahay dirir loogama tago
- Duunyo ayaad ledahay deeq loogama tago
- Waad da’wayn tahayna dumar loogama tago
.
Saddex
la lama dego,
· doqon fiiro taqaan,
· fulay daandaansi
yaqaan
· geesi damac yaqaan.
.
saddexna la lama saaxiibo,
· nin aan rabi aqoon,
· nin aan rag aqoon
· nin aan run aqoon.
Saddex
baa rag u wanagsan
- Nin tolkii u nacasa
- Shiisheeyana u nacaba
- Reerkiisana u naaga.
Saddex
saddex kama dheregto
- Ili daymo kama dheregto
- Dhulna biyo kama dherego
- Dhagona war kama dheregto.
Saddex
dumar laguma qabo
- Gasiin xumo
- Gogal xumo
- Galmo xumo
Saddex
naagtaada kugu nacda
- Hambo la’aan
- Hammo la’aan
- Hammi la’aan
Saddex
saddex bay ka tagtaa
- Roobku rays buu ka tagtaa
- Raggu rayi buu ka tagtaa
- Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa
Saddex
waligaa lama raaco
- Rag ka faqaya
- Rafiiq nimaad tihiin oo ku qadshay
- Rag talo ka reebay
Saddex
raga wuu ku cimri deg degga
- Gogal xumo
- Gasiin xumo
- Carrab kulul
Saddex
dadka kugu naca
- Xishood la’aan
- Xilo la’aan
- Xoolo la’aan
Saddex
tolkabaa kugu naca
- Hiil la’an
- Hoo la’aan
- Hoy la’aan
Saddex
saddex baa lagu kabaa
- Aqalka oo ka yar ardaa ba lagu kabaa
- Aqoontaada oo yar aamus ba lagu kabaa
- Aduunkaaga oo yar iimaan ba lagu kabaa
Saddex
saddexba lagu cadeeya
- Hadal run ba lagu cadeeya
- Ilko caday b alagu cadeeya
- Mindi saawin ba lagu cadeeya
Saddex
waa loo gudaa
- Gabadh waa loo gudaa
- Geedi waa loo gudaa
- Ciyaar waa loo gudaa
Saddex
saddex looma tilmaamo
- Cuulimo cad looma tilmaamo
- Carmal guur looma tilmaamo
- Carrab lo’ad caws looma tilmaamo
Saddex
waa la raacaa
- Nin ka caqli badan
- Nin ka cilmi badan
- Nin ka cuud badan
Saddex
saddex lagama dayo
- Ragg shir lagama dayo
- Dumar sheeko lagama dayo
- Xoolana hees lagama dayo
Saddex
wad ku degtaa
- Guri barwaqo
- Gaari naageed
- Gar cadaaladeed
Taajirnimadu
waa saddex
- Cuud ka taajir
- Caqli ka taajir
- Cilmi ka taajir
Saddex
ma nabadgasho
- Nin madax la saaxiibay
- Nin sun la waraabshay
- Nin sirtiisa haween u sheegay
Dumarku
waa saddex
- Naag gogal wacan
- Naag gasiin wacan
- Naag galmo wacan
Saddex
lama badsado
- Fadhi xidid
- Soor fagaare
- Ficil sokeeye
Saddex
ba horimar lagu gaadha
- Hadal yar
- Hawl badan
- Hogaan wanagsan
Saddex
ba dib u gocosho leh
- Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay
- Gallad aad baran weyday
- Garaad garasho waayay
Saddex
baa suldaanka lagu eega
- Garta
- Guntiga
- Gacanta
maansha allah waa maahmaahyo dhaxal gal
ReplyDelete