Pages

Friday, March 24, 2017

MaahMaah


Saddex saddex lama heshiiso
  • Nin qosol badan iyo qoonsimaad badan
  • Nin quul jecel iyo nin aan u quudhin
  • Nin qab wayn iyo nin aan u qabin

Saddex buu raggu is dher yahay
  • Garashada waxa soo socda
  • Wax ka qabashada waxa jooga
  • Ka samridda waxa tegay

. Saddex baa la yidhi:
·         Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin;
·         Afartan jir ha la garramin;
·         labaatan jirna ha la legdemin.

. Saddex baa rag u liita;
·         Ma toshe,
·         Ma tashade  
·         Ma tashiishe

. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurtowdo:
·         Ilaahow guursan maayee wiil i sii;
·         Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii;
·         Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.

. Saddex lama arag:
·         Marti nin ka yar,
·         Muddo maalin ka yar,
·         Salaad ragcad ka yar,

. Saddex lama raaco:
·         Ma horreeye,
·         Ma hambeeye
·         Ma haasawshe.

. Saddex looma adkeysto:
·         Gaajo guri og,
·         Gardarro garab og,

. Saddex markaan bartaan ka gaboobay:
·         Dab ollolintiis,
·         Carruur aamusinteed,
·         Awr carraabintiis.

. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan:
  • Faraska xun,
  • naagta xun
  • hoyga xun; haddana.

. Saddex col baa jira,
·         Col cad ,                  [colka cad waa biyaha]
·         Col cas,                   [colka casna waa dabka]
·         Col madaw, ,            [colka madawna waa dadka]

Saddex saddex loogama tago
  • Waad dad yar tahay dirir loogama tago
  • Duunyo ayaad ledahay deeq loogama tago
  • Waad da’wayn tahayna dumar loogama tago
.
Saddex la lama dego,
·         doqon fiiro taqaan,
·         fulay daandaansi yaqaan
·         geesi damac yaqaan.

. saddexna la lama saaxiibo,
·         nin aan rabi aqoon,
·         nin aan rag aqoon
·         nin aan run aqoon.

Saddex baa rag u wanagsan
  • Nin tolkii u nacasa
  • Shiisheeyana u nacaba
  • Reerkiisana u naaga.

Saddex saddex kama dheregto
  • Ili daymo kama dheregto
  • Dhulna biyo kama dherego
  • Dhagona war kama dheregto.

Saddex dumar laguma qabo
  • Gasiin xumo
  • Gogal xumo
  • Galmo xumo

Saddex naagtaada kugu nacda
  • Hambo la’aan
  • Hammo la’aan
  • Hammi la’aan

Saddex saddex bay ka tagtaa
  • Roobku rays buu ka tagtaa
  • Raggu rayi buu ka tagtaa
  • Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa



Saddex waligaa lama raaco
  • Rag ka faqaya
  • Rafiiq nimaad tihiin oo ku qadshay
  • Rag talo ka reebay

Saddex raga wuu ku cimri deg degga
  • Gogal xumo
  • Gasiin xumo
  • Carrab kulul

Saddex dadka kugu naca
  • Xishood la’aan
  • Xilo la’aan
  • Xoolo la’aan

Saddex tolkabaa kugu naca
  • Hiil la’an
  • Hoo la’aan
  • Hoy la’aan

Saddex saddex baa lagu kabaa
  • Aqalka oo ka yar ardaa ba lagu kabaa
  • Aqoontaada oo yar aamus ba lagu kabaa
  • Aduunkaaga oo yar iimaan ba lagu kabaa

Saddex saddexba lagu cadeeya
  • Hadal run ba lagu cadeeya
  • Ilko caday b alagu cadeeya
  • Mindi saawin ba lagu cadeeya

Saddex waa loo gudaa
  • Gabadh waa loo gudaa
  • Geedi waa loo gudaa
  • Ciyaar waa loo gudaa

Saddex saddex looma tilmaamo
  • Cuulimo cad looma tilmaamo
  • Carmal guur looma tilmaamo
  • Carrab lo’ad caws looma tilmaamo

Saddex waa la raacaa
  • Nin ka caqli badan
  • Nin ka cilmi badan
  • Nin ka cuud badan

Saddex saddex lagama dayo
  • Ragg shir lagama dayo
  • Dumar sheeko lagama dayo
  • Xoolana hees lagama dayo

Saddex wad ku degtaa
  • Guri barwaqo
  • Gaari naageed
  • Gar cadaaladeed

Taajirnimadu waa saddex
  • Cuud ka taajir
  • Caqli ka taajir
  • Cilmi ka taajir

Saddex ma nabadgasho
  • Nin madax la saaxiibay
  • Nin sun la waraabshay
  • Nin sirtiisa haween u sheegay

Dumarku waa saddex
  • Naag gogal wacan
  • Naag gasiin wacan
  • Naag galmo wacan

Saddex lama badsado
  • Fadhi xidid
  • Soor fagaare
  • Ficil sokeeye

Saddex ba horimar lagu gaadha
  • Hadal yar
  • Hawl badan
  • Hogaan wanagsan

Saddex ba dib u gocosho leh
  • Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay
  • Gallad aad baran weyday
  • Garaad garasho waayay

Saddex baa suldaanka lagu eega
  • Garta
  • Guntiga
  • Gacanta

Sunday, March 19, 2017

Faaidooyinka Aqoonta Iyo Muhiimada Ay U Leedahay Qofka Iyo Bulshadaba knowledgeWaxbarashada: waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys la’aan . Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah , sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb oo waxkasta ku kala duwan , waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa..xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashaduna ay ugu kaladuwan yihiin wadanba wadankale ugu duwanyahay .. wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen hormar la taaban karo halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego.si la mid ah sidaas waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada. Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku hormarikaraan waana laga maarmaan ay utahay nolosha beni aadamka marna masimano qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn . Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah in

Faaidooyinka Aqoonta Iyo Muhiimada Ay U Leedahay Qofka Iyo Bulshadaba knowledgeWaxbarashada: waa furaha Nolosha, Aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys la’aan . Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah , sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb oo waxkasta ku kala duwan , waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa..xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qaybisay sidaas ayaa ah waxbarashaduna ay ugu kaladuwan yihiin wadanba wadankale ugu duwanyahay .. wadama aadka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen hormar la taaban karo halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego.si la mid ah sidaas waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimayn waxbarashada. Aqoontu waa sheyga kaliya ay dadku ay ku hormarikaraan waana laga maarmaan ay utahay nolosha beni aadamka marna masimano qof aqoonle iyo qof aan aqoon laheyn . Waxbarashada waa aasaaska nolasha waxaana lagama maarmaan ah inuu qofka waxbarto si uu unoolaada ,waxaad kadeemikartaa xaalada miyiga dadka kunool waxaa waalidka caruurtiisa uu baraa ugu yaran sida wax loo tacbado ama xoolaha loo raaco maxaa yeelay waxay cadaynaysaa in uusan qofka noolaankarin ilaa uu wax barto wuu noolankara laakin ma ahan mid uu asaga kuqanacsan noolashiisa. qofku wuxuu nolol sharaf ah oo farxad ay ku dheehantahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo . sidoo kale dal wuxuu hormari karaa oo kaliya marka ay jiraan dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban karaan hadii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen , waana taas sababta kaliya ee uu dalkeeni soomaliya uga bixi la’yahay burburka mudada ku dhow 24sano . faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan mid lagu soo koobi karo warbixin iyo wax la mid ah. sidoo kale waxaan si fudud u sharixi karnaa si ay dadku ay ufahmaan qiimaha ay leedahay aqoonta waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay hormar dhinac maskaxda ah oo ah runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo. dhamaan noocyada kale ee hormarka waxaa sal iyo asaas u ah hormarka maskaxda.oo hadii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun hormar ah. Aqoondaridu ama jahliga ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu noolyahay , jahligu wuxuuj qofka u diidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah , sidoo kale aqoon la’aantu waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo. markasta oo uu jahligu bato waxaa aad u adkaada nolosha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo aqoon la;aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin,. sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsanayn. Hadii aad u kuur gashid dhamaan dalalka gaaray hormar la taaban koro , waxaa kuu soo baxaya in ay waqti iyo hanti badan galiyeen sidii ay wax ku baran lahaayeen , tusaale ahaan dalkan aan ku noolnahay ee Kenya waxay dadkiisu aad u qadariyaan aqoonta , waana taas sababta ay Kenya u noqotay dalka ugu hormarsan dalalka geeska Afrika ku yaal . Akhriistiyaasha sharafta leh waxay is waydiin karaa waxbarasho noocee ah ayaa lagu hormari karaa, hadii aan si fudud uga jawaabno su’aashaas waxaa malaha lagu soo koobi karaa in nooc kasta oo waxbarasho ah ay kaalin wayn ka ciyaari karto hormar dhankasta oo aynu u baahanahay. Hadaba waa in aynu kudadaalnaa ubadka , dhalinyarada iyo qofkasta oo rabo inuu waxbarto waa inlasiyaa fursad ay ku baran karaan cilmiga ay markaas jecelyihiin in ay bartaan ama maadooyinka ay ku fiicanyihiin. Waxaan kaloo dhihi karnaa hormarka ugu muhiimsan ee uu qofku ka dhaxli karo waxbarashada ayaa ah xoriyad xaga maskaxda ah . qof kasta oo aqoon leh waxuu sameen karaa fakar uu u madax banaan yahay halka qofka aqoontiisa ay liidato uu ku tiirsanyahay. marwalba fakarka ama aragtida dadka kale. Sidoo kale qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad hormarin karta nolosha dadka guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed. Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisa kalsooni buuxda , kasloonidana waxay qofka u fududaysaa in uu si hagaagsan u guto waajibaadka ka saaran nolosha. sidoo kale aqoon la’aantu waxay ku beertaa nafsada qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa, taaso mararka qaar laga yaabo in uu kala horyimaado waxkasta oo hormar keeni kara diidmo iyo baqdin is barkan . fariinta ugu wayn ee ay aqoontu xanbaarsan tahay ayaa ah isbadel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas. markasta oo ay aqoontu kororto waxaa badanaya isbadalka xaga nolosha ah. Markasta oo uu isbadel jiro waxaa fududaanaya in la hormaro. aqoonta ama waxbarashada ayaa ah hanitida kaliya ee ay da yerta dhaxli karaan si ay u sii hormariyaan nolosha markaas lagu sugan yahay. Hadii ay dhalinyaradu dhaxlaan jahli ama aqoon daro waxaa mugdi aad u wayn galaya mustaqbalka aan hormar laheyn dalkuna mar hor maro ilaa ay dadkiisu ay hormaraan. Aqoontu waxay distaa guri aan tiir laheyn jaahinimada ama aqoondaridu waxay bur burisaa guri sharaf iyo barwaaqo ay kunool yihiin dadkiisa. Ugu danbeentii waxaan idinleeyahay aqoontu waa iftiin ama nuur jahligu waa mugdi aynu kudaadaalno waxbarashada si ayu ugaarno hormar looriyaaqo. W/Q: Ciise ibrahin haybe